Maxaad ku baran doontaa koorsadan?
Koorsadan waxa aad ku baran doontaa adeegsiga barnaamijka ugu wanaagsan dunida ee loo isticmaalo qorista iyo qurxinta warqadaha, buugaagta, iyo guud ahaan waxyaabaha la daabaco. Koorsadan waxa aad ku baraneysaa sida aad u adeegsan lahayd Microsoft Word 2019 ama 2016. Waxyaabaha aad ku baran doonto koorsadan waxaa ka mid ah:
- Sameynta iyo abuurista document aad wax ku qoran karto.
- Keydinta iyo wax ka badalidda warqad hore loo diyaariyey.
- Qurxinta farta, cabbirkeeda, nooceeda iwm.
- Ku daridda sawirro, icons, farshaxanno, sawir gacmeed, iwm.
- Raadinta xog gaar ah oo ku jirta document.
- Nambareynta iyo nidaaminta qoraallo iyo xog aan habeysneyn.
- Sixidda naxwaha iyo xeerarka qoraalka ee warqadda.
- Naqshadeynta iyo qurxinta hareeraha warqadda ama buugga.
- Soo qaadidda xogta noocyadeeda kala duwan.
- Iyo casharro kale oo badan.
Maxaa lagaaga baahanyahay?
Si aad u barato koorsadan, waxaad u baahantahay:
- Computer Windows ama Mac ah
- Barnaamijka Micosoft Office 2019 ama 2016
- Internet aad ku soo gasho casharrada.
- Hammi iyo go’aan waxbarasho.
Yaa loogu talogalay koorsadan?
Koorsadan waxaa loogu talagalay qof kasta oo jecel in uu wax ku qoro Computer kuna diyaarsado document waxbarasho, shaqo iwm. Koorsadan waxa ay ku habboontahay qof aan horey u adeegsan Microsoft Word iyo qof ay wax uga bilaabanyihiin.
Course Curriculum
MAALINTA 1-AAD | |||
WD0 – Ku soo dhawow barashada Microsoft Word 2019 | 00:01:00 | ||
WD1.1 – Ku shubo computer-kaaga Microsoft Office 2019 | 00:11:00 | ||
WD1.2 – Samee document cusub, ama furo mid hore. | 00:09:00 | ||
WD1.3 – Keydso document-gaaga. | 00:10:00 | ||
MAALINTA 2-AAD | |||
WD2.1 – Kala baro Xaraf, Erey, Jumlad Iwm | 00:06:00 | ||
WD2.2 – Xulashada waxa aad wax ka badalayso (Selection) | 00:12:00 | ||
WD2.3 – Noocyada wax tirista (Deletion) | 00:14:00 | ||
MAALINTA 3-AAD | |||
WD3.1 – Qurxinta qoraalka document-ga (Font color, size, style, …) | 00:14:00 | ||
WD3.2 – Beddelidda hab-sameysanka qoraalka (Text Styles) | 00:11:00 | ||
WD3.3 – Qurxinta farta waaweyn (Typography and Effects) | 00:05:00 | ||
MAALINTA 4-AAD | |||
WD4.1 – Qurxinta hareeraha warqadda (Borders And Shading) | 00:06:00 | ||
WD4.2 – Raadi oo beddel waxa qaldan (Find And Replace) | 00:08:00 | ||
Imtixaanka 1aad Waxaa Lagaaray Xiligii Lagu Tijaabin Lahaa | 00:01:00 | ||
Imtixaanka 1aad – Barashada Microsoft Word | 00:07:00 | ||
WD4.3 – Isku beddelidda farta weyn iyo midda yar (Text Case) | 00:06:00 | ||
WD4.4 – Hababka wax loo koobiyeeyo (Copy and Paste) | 00:10:00 | ||
WD4.5 – Dib u adeegso waxa aad qurxisay (Format Painter) | 00:06:00 | ||
MAALINTA 5-AAD | |||
WD5.1 – Kala fogeynta iyo isu soo dhaweynta qoraalka (Line And Paragraph Spacing) | 00:06:00 | ||
WD5.2 – Nambareynta iyo calaamadeynta qoraalka (Numbering And Bulleting) | 00:07:00 | ||
WD5.3 – Isku aaddinta qoraalkaaga (Alignment) | 00:07:00 | ||
WD5.4 – U nidaami xogtaada sida aad u doonto (Sort) | 00:04:00 | ||
WD5.5 – Iska sax qaladaadka qoraalkaaga luqad ahaan (Spell And Grammar Check) | 00:10:00 | ||
MAALINTA 6-AAD | |||
WD6.1 – Hababka sawir loo geliyo document-ga (Insert Pictures) | 00:19:00 | ||
WD6.2 – Qurxinta Sawirka 1 (Remove picture background) | 00:06:00 | ||
WD6.3 – Gelinta sawirrada yaryar ee diyaarsan document-ga (Inserting Icons) | 00:06:00 | ||
WD6.4 – Sawir ka qaad shaashadda Computerka, geli document-ga (Screenshots) | 00:05:00 | ||
WD6.5 – Halmar qurxi sawirka, dib u adeegso (Picture Format Painter) | 00:04:00 | ||
MAALINTA 7-AAD | |||
WD7.1 – Adeegsiga sawir gacmeedka (Inserting shapes) | 00:12:00 | ||
WD7.2 – Wax ka badal sawir gacmeedka (Shapes Part 2) | 00:11:00 | ||
WD7.3 – Adeegsiga sawir gacmeedka 3 (Shapes Part 3) | 00:10:00 | ||
WD7.4 – Xulashada fudud ee Shapes-ka (Selection Pane) | 00:10:00 | ||
WD7.5 – Habeynta Sawir gacmeedka (Shape rotation, alignment, and more) | 00:12:00 | ||
WD7.6 – Adeegsiga Smart Art | 00:09:00 | ||
WD7.7 – Adeegsiga Charts-ka | 00:10:00 | ||
MAALINTA 8-AAD | |||
WD8.1 – Qeybaha uu leeyahay Table-ka (Column, row, cell) | 00:12:00 | ||
WD8.2 – Hababka loo abuuro Table (Table Creation Types) | 00:08:00 | ||
WD8.3 – Midab u yeel, Qurxi Table-ka (Coloring the table) | 00:12:00 | ||
WD8.4 – Kala jebinta Table-ka ama isku xeridda (Split, Merge) | 00:04:00 | ||
WD8.5 – Nidaaminta xogta ku jirta Table-ka (Text Direction, Autofit, Sort, Align) | 00:08:00 | ||
WD8.6 – Ku dar qeyb cusub Table-kaaga (Insert, Delete) | 00:06:00 | ||
MAALINTA 9-AAD | |||
WD9.1 – Weyneynta ama yareynta Document-ga (Zoom in/out) | 00:11:00 | ||
WD9.2 – Qurxinta Document-ga muuqaal ahaan (Watermark, Page Coloring, Page Borders) | 00:06:00 | ||
WD9.3 – Xulashada iyo sixidda cabirka warqadda (Page Orientation, Size and Columns) | 00:07:00 | ||
WD9.4 – Gelinta warqad cusub, ama bogga hore (New Page and Cover Page) | 00:07:00 | ||
Imtixaanka 2aad – Barashada Microsoft Word | 00:07:00 | ||
WD9.5 – Qurxinta qeybta sare iyo hoose ee warqadda (Header, Footer, and Page Number) | 00:10:00 | ||
MAALINTA 10-AAD | |||
WD10.1 – Sidee warqad loo daabacaa (Printing the Document) | 00:15:00 | ||
WD10.2 – Password ku xiro document-gaaga (Document Password Protection) | 00:09:00 | ||
WD10.3 – Ka saar fure-sireedka document-gaaga (Remove password) | 00:03:00 | ||
HAMBALYO - DHAMMAAD | |||
WD10.4 – Hambalyo waad dhameysay koorsadan | 00:03:00 | ||
Imtixaanka 3aad – Barashada Microsoft Word | 00:07:00 |
Koorsadaan aad iyo aad bay uqiimo badan tahay waanan ka faaidaystay maansha allaah .macalinkana khayr aan la koobi karin alle hasiiyo
Koorsadaan aad bay muhiim utahay walaalahay ardayda ah wxn ugu baaqayaa inay kafaaidaystaan sidaydoo kale .Alxamdulillaahi
MAHAD CELIN
* Waxaa MAHAD oo dhan usugnaatay( ALLE SWT)
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan kamid noqdo ardayda dhameysay course-da MICROSOFT-WORD,intaa kadib waxaan rabaa inaan umahadceliyo ustaad MOHAMED NOR HUSSEIN (IM252) oo runtii aad iyo aad juhdi iyo dadaal Ku bixiyey course-daan diyaarin teeda.
* Ardayda kale ee daneyneysa barashadda course-daan waxaan Ku dhirigalinayaa in ay kusoo biiraan.
GUUL WACAN DHAMAANTIIN.
Si wanaagsan
Sida loo soo dhaweeyo shaashadda document-ga macallin maxaa la is la qabanaa?
Aqoonraadiye69@gmail.com
Dhab ahaan waa koorsa la yaab leh
Oo aan innaba caadi aheyn waxaa lee
Yahay saaxib sare Moha nur horay
U soco of walbana waxaa ku dhiira
Gelinayaa inuu is faaideysto koorsadaan qiimaha badan
Anajax2018@gmail.com
M.a koorsadaan waa koorso muhim ah m.a wax badan ayaa ka faaidey waxaan si gaar ah ugu nahad celinaa ustaadka waqtiga soo giliyay aad ayaan mahadsantahay runtii aad ayaan ugu faraxsanahay faraxdeyda lama soo koobi karo I.a waxaan rajeynaa inaan koorso kale sii bilaabi doono waan wanahadsantihiin
Aad ufiican
Waa koorso muhiima qofwalbana ubaahanyahay inu wax ka yaqaano ustaadkana aad ayu ugu hagar baxay waan umahadcelinaya laakiin waxaad mooda inuu sharaxaadda aad ubadiyay, sharaxaadyo badan o laga marmi karo ayaa kujiran iyo waliba inay muuqaaladda qaarkod aad udheeraaden.
Qiimayn Koorsada
Hadaan isku dayo in aan qiimayyo Koorsadatan waxaan marka hore umahad celinayaa macalinka si fudud ee uu udiyaariyay koorsada anigu waxa ku noolahay jarmalka koorsadan waxa igaga bixi lahaa waqti badan iyo lacag badan waxaa laga yaabi lahaa in aanan u fahmin sidaa hahdda u fahmay mar labaad mahadsanid