• No products in the cart.

Koorsooyinkeenna

Baro Microsoft Word

Ku baro 10 maalmood keliya barnaamijka Microsoft Word oo ah barnaamij loo adeegsado qurxinta, diyaarinta iyo habeynta warqadaha, buugaagta, shahaaddooyinka iwm.

Baro Adobe Photoshop

10 Maalmood gudohood ku baro adeegsiga barnaamijka caanka ah ee Photoshop. Waxaad ku baran doontaa koorsada sameynta, qurxinta iyo habeynta sawirrada, warqadaha shirkadaha noocyadooda kala duwan.

Barashada Website Sameynta

Hadii aad tahay qof jacel in u barto sida website loo sameeyo , Koorsadan waxa aad ku baran donta sida lo sameeyo Website casri ah.

Baro Adeegsiga Computer-ka

Haddii aad tahay qof uu ku cusubyahay ama wax uga bilaabanyihiin adeegsiga Computer-ka, waxa ay koorsadan kaa caawineysaa in aad si degdeg ah oo fudud u barato adeegsiga Computer-ka.

Qoridda Degdegga (Typing)

Koorsadan, waxa aad ku baraneysaa in aad si degdega wax ugu qorto Keyboard-ka computerkaaga. Hadii aad koorsadan dhameyso, waxa aad awood u yeelan doontaa (EEBE idankii) in aad wax ku qorato Computer-kaaga adigoo aan fiirin keyboardkaaga ama indhaha isku haaya. Iska diiwaangeli koorsadan, si fududna ku noqo qof khabiir ku ah qoraalka degdegga ah ee Computerka! Si aad u barato Koorsadan, waxa aad u baahantahay keliya Computer.

Muuqaal Qurxin – Video Editing

Hadii aad daneyneyso in aad muuqaal u sameyso qoyskaaga, asxaabtaada, shirkadaada, aroos, ama meelo kaleba, waxaad u baahantahay in aad taqaan sida loo habeeyo loona jarjaro muuqaallada. Koorsadan ayaadna ku baraneysaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad uga baahantahay muuqaal sameynta (Video Editing). Labo barnaamij ayaad ku baran doontaa si aad marba midka aad hesho ugu sameyn karto, waana Adobe Premiere Pro CC iyo Filmora Wondershare. Hadda iska diiwaangeli oo ka baro xirfadda muuqaal sameynta khabiir sameeya muuqaallada tayada leh.
Waan jecelnahay waxbarashada © iM252 Academy.