Maxaad ku baran doontaa koorsadan?
Koorsadan waxa aad ku baran doontaa farsamooyinka iyo adeegsiga Photoshop-ka, sida qurxinta sawirada, sameynta brochure design iyo graphic design, sidoo kale waxa aad ku baran doontaa naqshadeynta iyo sameynta astaamaha goobaha ganacsiga (Logo) iyo kaararka ganacsiga (Business Cards), waxa aad sidoo kale ku baran doontaa sameynta sawirrada xayeysiinnada ganacsiga ee loo adeegsado baraha bulshada.
Maxaa lagaaga baahanyahay?
Si aad u barato Casharradan, waxaad keliya u baahantahay :
- Computer ama Laptop.
- Internet xawaarihiisu dhexaad yahay
- Barnaamijka Adobe Photoshop 2020, 2019 ama 2017
- Hammi sare oo aad ka leedahay koorsadan
Yaa loogu talogalay koorsadan?
Koorsadan waxa ay ku habboontahay qof kasta oo jecel in uu qurxiyo, habeeyo, sameeyo naqshado qurux badan oo loo adeegsan karo meel kasta sida Waxbarashada, xayeysiinnada ganacsiga iwm. Koorsadan waxaa baran kara qof aan horey u adeegsan Photoshop, iyo qof ay wax uga bilaabanyihiin oo wax un ka yaqaana.
Waqti intee la eg ayey kaaga baahantahay?
Koorsadan waxa aad ku baran kartaa muddo 10 maalmood ah. Kuma qasbanid in ay maalmaha isku xigaan, oo waxa aad ku baran kartaa 10 maalmood oo aan isku xigin. Haddiise aad daneyneyso in aad horumar wanaagsan ka sameyso koorsadan, waxaa habboon in aad geliso waqtiga ugu badan ee aad u heli karto.
Ogow, waxa ay koorsadan kuu furnaanaysaa illaa 4 bilood oo aad ku ceshan kartaa casharrada koorsadan haddii aad dhameyso iyo haddii aadan dhameynba.
Sideen ugu guuleysan karaa koorsadan?
In aad ku guuleysato koorsadan waa ay fududahay, si aad ugu guuleysato koorsadan:
Qaado oo daawo casharrada koorsadan.
Gal tijaabooyinka iyo imtixaannada koorsadan.
Waxaad heleysaa shahaaddada koorsadan haddii aad keento 65% ama ka badan.
Ku celceli casharrada oo samee tijaabooyin ka badan kuwa uu macalinku ku baray.
Sidee baan isaga diiwaangeliyaa koorsadan?
Way fududahay, Taabo Batanka ay ku qorontahay XULO KOORSADAN si aad isaga diwaangeliso Koorsadan, ugana faa’ideysato casharrada Adobe Photoshop. Kadibna raac tilmaamaha,
Hoos ka aqri waxyaabaha aad ku baran doonto koorsadan oo faahfaahsan.
Course Curriculum
Hordhaca Koorsada | |||
Maalinta 1aad Sidee loola so dagaa adobe photoshop | |||
PS1.1 Side loola so daga Adobe Photoshop | 00:04:00 | ||
Maalinta 2aad Side lo Furaa loona Save gareyaa adobe photoshop | |||
PS2.1 Open & Save | 00:18:00 | ||
PS2.2 Png vs Jpg | 00:04:00 | ||
Maalinta 3aad Sidee loo isticmlaa Photoshop Tools | |||
PS3.1 Tools | 00:12:00 | ||
Maalinta 4aad Sida loo isticmaalo Selection Tool Iyo Layer Mask | |||
PS4.1 Selection Tool | 00:11:00 | ||
PS4.2 Selection Practice | 00:05:00 | ||
PS4.3 Layer Mask | 00:08:00 | ||
Maalinta 5aad Sidee Text Logu adegsada Photoshop | |||
PS5.1 Text | 00:10:00 | ||
PS5.2 Text With Design | 00:08:00 | ||
PS5.3 Paragraphs | 00:09:00 | ||
Imtixaanka 1aad – Baro Adobe photoshop | 00:15:00 | ||
Maalinta 6aad Sida loo sameeyo Brochure Design | |||
PS6.1 Brochure Design 1 | 00:11:00 | ||
PS6.2 Brochure Design 2 | 00:04:00 | ||
Maalin 7aad side hospital design logu sameyaa iyo side shape lo sameyaa | |||
PS7.1 Hospital Design 1 | 00:12:00 | ||
PS7.2 Hospital Design 2 | 00:09:00 | ||
PS7.3 Shape Intro | 00:00:00 | ||
Maalinta 8aad Side sawiro loogu qurxiyaa Photoshop | |||
PS8.1 Spot Healing | 00:05:00 | ||
PS8.3 Hair | 00:07:00 | ||
PS8.3 Hair | 00:07:00 | ||
PS8.4 Remove Object | 00:04:00 | ||
Maalinta 9aad Sidee logo iyo Business Card loo sameyaa | |||
PS9.1 Logo | 00:09:00 | ||
PS9.2 Business Card | 00:09:00 | ||
Maalinta 10aad Sidee sawiro Kala duwan la iskugu kena Photoshop | |||
PS10.1 Photo Manipulation 1 | 00:13:00 | ||
PS10.2 Photo Manipulation | 00:12:00 | ||
Imtixaanka 2aad – Baro Adobe photoshop | 00:15:00 |
alinorhssanmohamud@gmail.com
koorsadaan waa koorso aad u wanaagsan wxaana ka faa-iidey waxyaaba badan, sida inaan logo iyo xayiisiis u sameystay ganacsigeyga
Mahacelin&Guugaabin
Marka hore mahadi oo dhan waxey u sugnaatay Allah(SWT) marka xigta Waxaa rabaan inaan umahceliyo bahda IM252 gar ahaan ustad Eng.Zakariye oo korsadaan si wacan usoo diyaariyey oo ah mid uu qof waliba ey Ka go’antahay barashadeda uu fahmi Karo.
Ardayda kale ee daneeneysa
course-dan waxaan Ku guubaabinayaa in ay iska diiwan galiyan.
Mhsndin.
*****
Aad ayaa i anfacey.