Hadii aad daneyneyso in aad muuqaal u sameyso qoyskaaga, asxaabtaada, shirkadaada, aroos, ama meelo kaleba, waxaad u baahantahay in aad taqaan sida loo habeeyo loona jarjaro muuqaallada. Koorsadan ayaadna ku baraneysaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad uga baahantahay muuqaal sameynta (Video Editing). Labo barnaamij ayaad ku baran doontaa si aad marba midka aad hesho ugu sameyn karto, waana Adobe Premiere Pro CC iyo Filmora Wondershare.
Course Curriculum
Maalinta 1aad: Hordhaca Video Editing-ka, Soo dagsashada Filmora9 | |||
V1.1- Video Editing, waa maxay? ama muuqaal sameyn. | 00:03:00 | ||
V1.2- Barnaamijyada ugu fiican muuqaal sameynta | 00:05:00 | ||
V1.3- Sida loo soo dagsado Filmora9, loona furo. | 00:07:00 | ||
V1.4- Ku soo biir qolka Facebook ee iM252 Video Editing | 00:03:00 | ||
Maalinta 2: Qeybaha Filmora, Jarjaridda muuqaallada, codadka iyo sawirrada, keydsashada xogta. | |||
V2.1- Wax ka fahan qeybaha uu leeyahay Filmora 9 | 00:01:00 | ||
V2.2- Soo geli waxyaabaha aad ka sameyn doonto muuqaalkaaga | 00:10:00 | ||
V2.3- Dhig muuqaallada aad jarjareyso meesha lagu jarjaro. | 00:08:00 | ||
V2.4- Sida loo jarjaro muuqaallada, codadka, iyo sawirrada | 00:13:00 | ||
V2.5- Sida loo kala kor-mariyo waxyaabaha aad jarjareyso | 00:07:00 | ||
Maalinta 3aad: Qurxi jarjaridda, codadka wax ka badal, weyney, rog, is garab dhig muuqaallada. | |||
V2.6- Keydso meesha ay kuu mareyso jarjaridda, dibna uga bilow markale. | 00:05:00 | ||
V3.1- Qurxi meelaha aad muuqaallada ka jarjartay (Motion, Transition) | 00:16:00 | ||
V3.2- Dheeree codka gaaban, wax badan ka badal codadka. | 00:12:00 | ||
V3.3- Muuqaallada is garab dhig, weyney, rog, ama dhaqdhaqaaji | 00:12:00 | ||
Maalinta 4aad: Ku dar muuqaalkaaga qoraallo, midabbo iyo sawiro dhaqdhaqaaqa | |||
V4.1- Qoraallo ku dar muuqaalkaaga (Titles) | 00:10:00 | ||
V4.2- Wax ka badal muuqa muuqaalkaaga, (adeegso Effects) | 00:08:00 | ||
V4.3- Sawirro yaryar oo qurux badan ku dar muuqaalkaaga (Elements) | 00:05:00 | ||
V4.4- Iska soo dhex muuji 2 muuqaal ama ka badan. | 00:03:00 | ||
V4.5- Kordhi ama yaree iftiinka iyo midabka muuqaalka | 00:05:00 | ||
V4.6- Ku dar muuqaalkaaga Lower Third ama cinwaanno yaryar | 00:04:00 | ||
Maalinta 5aad: Midabbada ka badal, weyney, is dul saar muuqaallo, kordhi ama yaree xawaaraha | |||
V5.1- Dhaqdhaqaaqa ka saar muuqaalkaaga (Stabilization) | 00:03:00 | ||
V5.2- Muuqaallo la yaab leh ku samee shaashadda cagaaran (Green Screen) | 00:08:00 | ||
V5.3- Soo dhawee qeyb ka mid ah muuqaalka (Pan & Zoom) | 00:05:00 | ||
V5.4- Wax ka badal Xawaaraha muuqaalka (Slo Mo, Fast Mo) | 00:08:00 | ||
V5.5- Soo gabagabee jarjaridda muuqaalka, keydi muuqaalka. | 00:09:00 | ||
Halka hoose kala soo dag muuqaallada tijaabooyinka | |||
Muuqaallada tijaabooyinka iyo imtixaannada | 00:00:00 | ||
Imtixaaannada Koorsada - kan 1aad | |||
Imtixaanka 1aad – Samee muuqaal dhameystiran (1) | 00:05:00 | ||
Maalinta 6aad: Adobe Premiere, sida loogu shubto loona soo geliyo xogta jarjaridda | |||
V6.1- Sidan u soo dagso Adobe Premiere Pro CC | 00:07:00 | ||
V6.2- Sida loo jebiyo Premiere Pro CC 2019 (Activation) | 00:04:00 | ||
V6.3- Kala baro qeybaha uu leeyahay Premiere Pro | 00:05:00 | ||
V6.4- Muuqaalladaada soo geli Premiere si aad u jarjarto | 00:08:00 | ||
V6.5- Sida loo diyaariyo meesha muuqaal jarjaridda (Sequence) | 00:09:00 | ||
Maalinta 7aad: Muuqaal jarjaridda, cod dheereynta ama gaabinta, keydinta xogta iyo waxyaabo kale. | |||
V7.1- Muuqaallo ku jarjar Premiere Pro CC | 00:13:00 | ||
V7.2- Si ka sii fudud qaabkii hore u jarjar muuqaallada | 00:11:00 | ||
V7.3- Kala qaad codka iyo muuqaalka ama isku keen | 00:05:00 | ||
V7.4- Ka dhig codka in uu tartiib u soo kaco. | 00:05:00 | ||
V7.5- Dheeree codka gaaban, ama gaabi codka dheer | 00:07:00 | ||
V7.6- Guuxa ka saar codadka muuqaallada. | 00:05:00 | ||
V7.7- Keydso jarjariddaada si aad markale u sii waddo jarjaridda | 00:05:00 | ||
Maalinta 8aad: Gelinta sawirrada, calaamadeynta muuqaalka, iska soo dhex muujin 2 muuqaal, ... | |||
V8.1- Calaamadeyso meelaha aad wax gaara ku dareyso | 00:06:00 | ||
V8.2- Sida sawir loo geliyo muuqaalkaaga. | 00:04:00 | ||
V8.3- Iska soo dhex muuji 2 muuqaal | 00:04:00 | ||
V8.4- Si aan loo dareemin jarjarista, adeegso Transitions. | 00:08:00 | ||
Maalinta 9aad: Dhaqdhaqaaq u samee muuqaalka, sawir, qoraalka iwm. | |||
V9.1- Weynee, yaree, rog, ama qeyb ka qaado muuqaalka ama sawirka | 00:13:00 | ||
V9.2- Sawir gacmeed ku dul samee muuqaalka, geli laydi ama wareeg | 00:11:00 | ||
V9.3- Cinwaan u samee muuqaalkaaga (Qoraal geli) | 00:07:00 | ||
V9.4- Qoraal dhaqdhaaqa geli muuqaalkaaga | 00:08:00 | ||
V9.5- Dhaqdhaqaaq u samee muuqaalkaaga | 00:05:00 | ||
V9.6- Dhaqdhaqaaq u samee sawirka ku jira muuqaalka | 00:04:00 | ||
Maalinta 10aad: Qari qeyb muuqaalka ka mid ah, dhaqaaqa ka saar ama koobiyeyso | |||
V10.1- Qari qeyb ka mid ah muuqaalka | 00:07:00 | ||
V10.2- Qari qeyb dhaqaaqeysa oo muuqaalka ka mid ah | 00:06:00 | ||
V10.3- Dhaqdhaqaaqa kaamirada ka saar muuqaalka | 00:04:00 | ||
V10.4- Koobiyee muuqaal, sawir ama wax kaleba | 00:05:00 | ||
V10.5- Koobiyee isbedelka, kuna adeegso meel kale | 00:07:00 | ||
Maalinta 11aad: Kordhi xawaaraha, iftiinka, midabka ama is weydaari muuqaalka. | |||
V11.1- Kordhi ama yaree xawaaraha muuqaalkaaga | 00:05:00 | ||
V11.2- Is weydaari bilowga iyo dhamaadka muuqaalka (Reverse) | 00:02:00 | ||
V11.3- Kordhi ama yaree iftiinka muuqaalkaaga | 00:04:00 | ||
V11.4- Qurxi midabka muuqaalkaaga (Ka badal hadii aad doontana) | 00:05:00 | ||
Maalinta 12aad: Sida loo adeegsado Chroma Key, Mogrt, loona keydiyo muuqaalka. | |||
V12.1- Sida shaashadda cagaaran loogu adeegsado Premiere (Green Screen) | 00:04:00 | ||
V12.2- Sida loo adeegsado Motion Graphic Template (Mogrt) | 00:08:00 | ||
V12.3- Sida hal muuqaal looga dhigo waxyaabihii aad jarjartay (Export) | 00:07:00 | ||
Imtixaannada Koorsada - 2aad illaa 6aad | |||
V- Imtixaanka 2aad: Muuqaal ka samee diyaaradda Som Express | 00:03:00 | ||
V- Imtixaanka 3aad: Muuqaal ka samee Beeraha Balcad | 00:02:00 | ||
V- Imtixaanka 4aad: Muuqaal dhex geli Green Screen | 00:02:00 | ||
V- Imtixaanka 5aad: Muuqaal ka samee xeebta Hobyo. | 00:01:00 | ||
V- Imtixaanka 6aad: Hal muuqaal ka samee muuqaalladii hore oo idil | 00:01:00 | ||
Ugu dambeyntii: Hambalyo | |||
Hambalyo waad dhameysay koorsada Muuqaal Sameynta | 00:02:00 |
Ibnugurxan
Masha Allaah aad baan uga helay sida heerka sare ah ee uu macallinkeenna qaaliga ah inoogu soo diyaariyey.
runtii waa course mudan in 5 Stars loogu codeeyo waanan ugu codeeyey ee idinkana ugu codeeya ⭐⭐⭐⭐⭐
Aad baan ugu faraxsanhay mr. Mohamed nur
Aad iyo aad runtii waa cajiib mudo badan ayaana raadinaayey inaan helo qof hore ii dhaqaajiyo oo wax badan iga fahansiiya video editing guuleyso macalinkeena mudane. Mohamed-nur
Mahad hakaa gaarto
Masha allah waan u mahad celinayaa macalin MAXAMEX NUR iyo dhamaan ardayda dadaalaysa ee jecel waxbarashada dhamaantiin guulaysta, Macalinkana waxaan leeyahay hawl kama daaloow wali waa hogadii oo casharada iyo masruucyada aad wado sii kordhi ku sii dar sida Buugaag ku qoran afka soomaaliga ah,FIlmora Buug,Adobe Cc Buug, Aftar efect Buug, oo noqo mid magac iyo manfacba reeba eebe idankiis.
Masha allah bare mohamed nur courseda dan aad iyo ayaa ugu fara yaraysatay in badan mahadsanid
good
Mshllh wan la dhacay runtii sida fahansiinta iyo muuqaaladaba
iad sku keentay macalimuu
mhdsnid
Waa koorso wanagsan
Aadbaan ugumahadcelinaya macalinka koorsada sida wanaagsan ee uu uqaabeeyay
Awaiz jamac Abdi
macalin waxaan ka mahadcelinaa koorsada video eiditing mahad sanid ustaad
Video editing
Waxaad u soo diyaariseen korsada si aad u tifaftiran lkn waxaa moodaa inaad sharaxaada yara badisay! Sharaxaada marka ay badato ardayga wuu caajisayaa, marka ay yaraatana fahamka ayaa ku adkaanaya. Aad ayaan ugu mahadsantihiin dadaalka aad gelisay barashada video editing!
aad baan uGu mahad naqayaa macalinkeenna runtii si Sharaf leh oo qiimo leh baad nnoo bartay wl alle hakaa ajar siiyee mahdsanid. waxan raacsanlahaa hadday suuro gal tahay macillinku intii hore ee casharada dhamaysatay in uu u ogolaado in ay mar marka qaar dib u daawan karaan si waxa kku istaaga ay dib uga eegaan waa hadday suuro gal tahay mahdsanid markale
Mahadsanid Macalin
ASC.
Waad ku mahadsan tahay macalin Baridaada labada aaladood oo runtii aan aad ugu xiiso qabay dhankayga, maadaama aan ka mid ahay bahda ku shaqeysa, waan rajeynayaa After Effects in aad noogu darto oo aan baahi weyn uqabno
muuqaal samayn
run ahaantii aad ayaan ula dhacay habka quruxda badan ee macalinku wax inoo barayo
anigaa iibsaday coursadaan waa lafahmi karaa lkn cilda ugu wayn waxa waaye cid kaaga jawaabaysa wixii suaal aad qabto maleh macalinka maalinka uu ku aqbalo aa kuugu danbaysa dib danbe suaaal uga jawaabi maayo qofkii fahan fudud waxna ubilaabanyihiin unbaa wax ka baran kara
MASHA ALLAH MACALIN ALLE CILMIGAGA HAKU SIYAADIYO INSHA ALLAH RUNTIII WAXAAD TAHAY NIN TAARIIKHDA XUSI DOONTO IN BADAN
Muuqaal sameynta waa howl aad umcn qofkii bartana uu ku raaxeysanaayo
Coursadaan waa dhameestay alla mahadii waxaana kabartay aas aaska muuqaal sameynta oo loogu baahnaa qofka doonaayo in uu muuqaal sameeyo intaa kadib waa is wadi karaa Aad baan ugu mahad cilinayaa mcln Mohammed oo si qurux badan isku soodaba riday casharadeeda.
Casharo caajis laheyn oo baraatikadooda zoom laguu soo dhahaayo kadaawo oo hada isdiiwaangali hadii aad cusubtahay course kaan waa ka qiima sareeyaa $20 waayo cilmiga kujira ayaaba goykarin labaatan dollar.
Waxaana ugu codeeyey 5 star.
Thanks teacher and students im252 ??
cukaashemc@gmail.com
waa cours aad u wanaagsan
gor u socod
xaqiiq ahaan waxaan ahaa mid la yaaba habka wax loo jarjaro
habka loo qurxiyo
habka sixir laha ah ee wax loo qurxiyo
lkn ACADEMIC I AM 252
hadaan m adaxweyne wadan ahaan lahaa waxaan dastuurka ku dari laha in cidii la socon wayda I AM 252 ay mutaysani ganaax adag
aad ayaad u maahsantaihiin
maanta waxaan jooga heer aan dhaho alla haduu sidaa u samayn lahaa amaa kaas halkaa gayn lahaa
alxamdulilah
maahsanidiin
Sharxaada casharka
Waxaan aad ugu Riyaaqay hab sharxaada casharada oo idin.
Masha Allah waxaad noqotay baraha oo kaliya aan ka Fahmay labada program iyadow waqti badan iga qasaarin.
Mahadsanid ustaad.
Heer Sare
Waaa heeer sare gudbintaada Ustaad lkn Jaanis ayaan u waayey oo aniga oo aan ka faaideysan ayaa waqtigii iga dhacay❗️🙆♂️