Hadii aad daneyneyso in aad muuqaal u sameyso qoyskaaga, asxaabtaada, shirkadaada, aroos, ama meelo kaleba, waxaad u baahantahay in aad taqaan sida loo habeeyo loona jarjaro muuqaallada. Koorsadan ayaadna ku baraneysaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad uga baahantahay muuqaal sameynta (Video Editing). Labo barnaamij ayaad ku baran doontaa si aad marba midka aad hesho ugu sameyn karto, waana Adobe Premiere Pro CC iyo Filmora Wondershare.

Course Curriculum

Maalinta 1aad: Hordhaca Video Editing-ka, Soo dagsashada Filmora9
V1.1- Video Editing, waa maxay? ama muuqaal sameyn. 00:03:00
V1.2- Barnaamijyada ugu fiican muuqaal sameynta 00:05:00
V1.3- Sida loo soo dagsado Filmora9, loona furo. 00:07:00
V1.4- Ku soo biir qolka Facebook ee iM252 Video Editing 00:03:00
Maalinta 2: Qeybaha Filmora, Jarjaridda muuqaallada, codadka iyo sawirrada, keydsashada xogta.
V2.1- Wax ka fahan qeybaha uu leeyahay Filmora 9 00:01:00
V2.2- Soo geli waxyaabaha aad ka sameyn doonto muuqaalkaaga 00:10:00
V2.3- Dhig muuqaallada aad jarjareyso meesha lagu jarjaro. 00:08:00
V2.4- Sida loo jarjaro muuqaallada, codadka, iyo sawirrada 00:13:00
V2.5- Sida loo kala kor-mariyo waxyaabaha aad jarjareyso 00:07:00
Maalinta 3aad: Qurxi jarjaridda, codadka wax ka badal, weyney, rog, is garab dhig muuqaallada.
V2.6- Keydso meesha ay kuu mareyso jarjaridda, dibna uga bilow markale. 00:05:00
V3.1- Qurxi meelaha aad muuqaallada ka jarjartay (Motion, Transition) 00:16:00
V3.2- Dheeree codka gaaban, wax badan ka badal codadka. 00:12:00
V3.3- Muuqaallada is garab dhig, weyney, rog, ama dhaqdhaqaaji 00:12:00
Maalinta 4aad: Ku dar muuqaalkaaga qoraallo, midabbo iyo sawiro dhaqdhaqaaqa
V4.1- Qoraallo ku dar muuqaalkaaga (Titles) 00:10:00
V4.2- Wax ka badal muuqa muuqaalkaaga, (adeegso Effects) 00:08:00
V4.3- Sawirro yaryar oo qurux badan ku dar muuqaalkaaga (Elements) 00:05:00
V4.4- Iska soo dhex muuji 2 muuqaal ama ka badan. 00:03:00
V4.5- Kordhi ama yaree iftiinka iyo midabka muuqaalka 00:05:00
V4.6- Ku dar muuqaalkaaga Lower Third ama cinwaanno yaryar 00:04:00
Maalinta 5aad: Midabbada ka badal, weyney, is dul saar muuqaallo, kordhi ama yaree xawaaraha
V5.1- Dhaqdhaqaaqa ka saar muuqaalkaaga (Stabilization) 00:03:00
V5.2- Muuqaallo la yaab leh ku samee shaashadda cagaaran (Green Screen) 00:08:00
V5.3- Soo dhawee qeyb ka mid ah muuqaalka (Pan & Zoom) 00:05:00
V5.4- Wax ka badal Xawaaraha muuqaalka (Slo Mo, Fast Mo) 00:08:00
V5.5- Soo gabagabee jarjaridda muuqaalka, keydi muuqaalka. 00:09:00
Halka hoose kala soo dag muuqaallada tijaabooyinka
Muuqaallada tijaabooyinka iyo imtixaannada 00:00:00
Imtixaaannada Koorsada - kan 1aad
Imtixaanka 1aad – Samee muuqaal dhameystiran (1) 00:05:00
Maalinta 6aad: Adobe Premiere, sida loogu shubto loona soo geliyo xogta jarjaridda
V6.1- Sidan u soo dagso Adobe Premiere Pro CC 00:07:00
V6.2- Sida loo jebiyo Premiere Pro CC 2019 (Activation) 00:04:00
V6.3- Kala baro qeybaha uu leeyahay Premiere Pro 00:05:00
V6.4- Muuqaalladaada soo geli Premiere si aad u jarjarto 00:08:00
V6.5- Sida loo diyaariyo meesha muuqaal jarjaridda (Sequence) 00:09:00
Maalinta 7aad: Muuqaal jarjaridda, cod dheereynta ama gaabinta, keydinta xogta iyo waxyaabo kale.
V7.1- Muuqaallo ku jarjar Premiere Pro CC 00:13:00
V7.2- Si ka sii fudud qaabkii hore u jarjar muuqaallada 00:11:00
V7.3- Kala qaad codka iyo muuqaalka ama isku keen 00:05:00
V7.4- Ka dhig codka in uu tartiib u soo kaco. 00:05:00
V7.5- Dheeree codka gaaban, ama gaabi codka dheer 00:07:00
V7.6- Guuxa ka saar codadka muuqaallada. 00:05:00
V7.7- Keydso jarjariddaada si aad markale u sii waddo jarjaridda 00:05:00
Maalinta 8aad: Gelinta sawirrada, calaamadeynta muuqaalka, iska soo dhex muujin 2 muuqaal, ...
V8.1- Calaamadeyso meelaha aad wax gaara ku dareyso 00:06:00
V8.2- Sida sawir loo geliyo muuqaalkaaga. 00:04:00
V8.3- Iska soo dhex muuji 2 muuqaal 00:04:00
V8.4- Si aan loo dareemin jarjarista, adeegso Transitions. 00:08:00
Maalinta 9aad: Dhaqdhaqaaq u samee muuqaalka, sawir, qoraalka iwm.
V9.1- Weynee, yaree, rog, ama qeyb ka qaado muuqaalka ama sawirka 00:13:00
V9.2- Sawir gacmeed ku dul samee muuqaalka, geli laydi ama wareeg 00:11:00
V9.3- Cinwaan u samee muuqaalkaaga (Qoraal geli) 00:07:00
V9.4- Qoraal dhaqdhaaqa geli muuqaalkaaga 00:08:00
V9.5- Dhaqdhaqaaq u samee muuqaalkaaga 00:05:00
V9.6- Dhaqdhaqaaq u samee sawirka ku jira muuqaalka 00:04:00
Maalinta 10aad: Qari qeyb muuqaalka ka mid ah, dhaqaaqa ka saar ama koobiyeyso
V10.1- Qari qeyb ka mid ah muuqaalka 00:07:00
V10.2- Qari qeyb dhaqaaqeysa oo muuqaalka ka mid ah 00:06:00
V10.3- Dhaqdhaqaaqa kaamirada ka saar muuqaalka 00:04:00
V10.4- Koobiyee muuqaal, sawir ama wax kaleba 00:05:00
V10.5- Koobiyee isbedelka, kuna adeegso meel kale 00:07:00
Maalinta 11aad: Kordhi xawaaraha, iftiinka, midabka ama is weydaari muuqaalka.
V11.1- Kordhi ama yaree xawaaraha muuqaalkaaga 00:05:00
V11.2- Is weydaari bilowga iyo dhamaadka muuqaalka (Reverse) 00:02:00
V11.3- Kordhi ama yaree iftiinka muuqaalkaaga 00:04:00
V11.4- Qurxi midabka muuqaalkaaga (Ka badal hadii aad doontana) 00:05:00
Maalinta 12aad: Sida loo adeegsado Chroma Key, Mogrt, loona keydiyo muuqaalka.
V12.1- Sida shaashadda cagaaran loogu adeegsado Premiere (Green Screen) 00:04:00
V12.2- Sida loo adeegsado Motion Graphic Template (Mogrt) 00:08:00
V12.3- Sida hal muuqaal looga dhigo waxyaabihii aad jarjartay (Export) 00:07:00
Imtixaannada Koorsada - 2aad illaa 6aad
V- Imtixaanka 2aad: Muuqaal ka samee diyaaradda Som Express 00:03:00
V- Imtixaanka 3aad: Muuqaal ka samee Beeraha Balcad 00:02:00
V- Imtixaanka 4aad: Muuqaal dhex geli Green Screen 00:02:00
V- Imtixaanka 5aad: Muuqaal ka samee xeebta Hobyo. 00:01:00
V- Imtixaanka 6aad: Hal muuqaal ka samee muuqaalladii hore oo idil 00:01:00
Ugu dambeyntii: Hambalyo
Hambalyo waad dhameysay koorsada Muuqaal Sameynta 00:02:00

Course Reviews

4.8

4.8
19 ratings
  • 5 stars18
  • 4 stars0
  • 3 stars0
  • 2 stars0
  • 1 stars1
  1. Ibnugurxan

    5

    Masha Allaah aad baan uga helay sida heerka sare ah ee uu macallinkeenna qaaliga ah inoogu soo diyaariyey.
    runtii waa course mudan in 5 Stars loogu codeeyo waanan ugu codeeyey ee idinkana ugu codeeya ⭐⭐⭐⭐⭐

  2. Aad baan ugu faraxsanhay mr. Mohamed nur

    5

    Aad iyo aad runtii waa cajiib mudo badan ayaana raadinaayey inaan helo qof hore ii dhaqaajiyo oo wax badan iga fahansiiya video editing guuleyso macalinkeena mudane. Mohamed-nur
    Mahad hakaa gaarto

  3. 5

    Masha allah waan u mahad celinayaa macalin MAXAMEX NUR iyo dhamaan ardayda dadaalaysa ee jecel waxbarashada dhamaantiin guulaysta, Macalinkana waxaan leeyahay hawl kama daaloow wali waa hogadii oo casharada iyo masruucyada aad wado sii kordhi ku sii dar sida Buugaag ku qoran afka soomaaliga ah,FIlmora Buug,Adobe Cc Buug, Aftar efect Buug, oo noqo mid magac iyo manfacba reeba eebe idankiis.

  4. 5

    Masha allah bare mohamed nur courseda dan aad iyo ayaa ugu fara yaraysatay in badan mahadsanid

  5. 5

    Mshllh wan la dhacay runtii sida fahansiinta iyo muuqaaladaba
    iad sku keentay macalimuu

    mhdsnid

  6. Waa koorso wanagsan

    5

    Aadbaan ugumahadcelinaya macalinka koorsada sida wanaagsan ee uu uqaabeeyay

  7. Awaiz jamac Abdi

    5

    macalin waxaan ka mahadcelinaa koorsada video eiditing mahad sanid ustaad

  8. Video editing

    5

    Waxaad u soo diyaariseen korsada si aad u tifaftiran lkn waxaa moodaa inaad sharaxaada yara badisay! Sharaxaada marka ay badato ardayga wuu caajisayaa, marka ay yaraatana fahamka ayaa ku adkaanaya. Aad ayaan ugu mahadsantihiin dadaalka aad gelisay barashada video editing!

  9. 5

    aad baan uGu mahad naqayaa macalinkeenna runtii si Sharaf leh oo qiimo leh baad nnoo bartay wl alle hakaa ajar siiyee mahdsanid. waxan raacsanlahaa hadday suuro gal tahay macillinku intii hore ee casharada dhamaysatay in uu u ogolaado in ay mar marka qaar dib u daawan karaan si waxa kku istaaga ay dib uga eegaan waa hadday suuro gal tahay mahdsanid markale

  10. Farah Abdulkadir MohamedAugust 2, 2019 at 1:10 pmReply

    Mahadsanid Macalin

    5

    ASC.

    Waad ku mahadsan tahay macalin Baridaada labada aaladood oo runtii aan aad ugu xiiso qabay dhankayga, maadaama aan ka mid ahay bahda ku shaqeysa, waan rajeynayaa After Effects in aad noogu darto oo aan baahi weyn uqabno

  11. muuqaal samayn

    5

    run ahaantii aad ayaan ula dhacay habka quruxda badan ee macalinku wax inoo barayo

  12. 1

    anigaa iibsaday coursadaan waa lafahmi karaa lkn cilda ugu wayn waxa waaye cid kaaga jawaabaysa wixii suaal aad qabto maleh macalinka maalinka uu ku aqbalo aa kuugu danbaysa dib danbe suaaal uga jawaabi maayo qofkii fahan fudud waxna ubilaabanyihiin unbaa wax ka baran kara

  13. 5

    MASHA ALLAH MACALIN ALLE CILMIGAGA HAKU SIYAADIYO INSHA ALLAH RUNTIII WAXAAD TAHAY NIN TAARIIKHDA XUSI DOONTO IN BADAN

  14. Muuqaal sameynta waa howl aad umcn qofkii bartana uu ku raaxeysanaayo

    5

    Coursadaan waa dhameestay alla mahadii waxaana kabartay aas aaska muuqaal sameynta oo loogu baahnaa qofka doonaayo in uu muuqaal sameeyo intaa kadib waa is wadi karaa Aad baan ugu mahad cilinayaa mcln Mohammed oo si qurux badan isku soodaba riday casharadeeda.
    Casharo caajis laheyn oo baraatikadooda zoom laguu soo dhahaayo kadaawo oo hada isdiiwaangali hadii aad cusubtahay course kaan waa ka qiima sareeyaa $20 waayo cilmiga kujira ayaaba goykarin labaatan dollar.
    Waxaana ugu codeeyey 5 star.
    Thanks teacher and students im252 ??

  15. cukaashemc@gmail.com

    5

    waa cours aad u wanaagsan

  16. gor u socod

    5

    xaqiiq ahaan waxaan ahaa mid la yaaba habka wax loo jarjaro
    habka loo qurxiyo
    habka sixir laha ah ee wax loo qurxiyo
    lkn ACADEMIC I AM 252
    hadaan m adaxweyne wadan ahaan lahaa waxaan dastuurka ku dari laha in cidii la socon wayda I AM 252 ay mutaysani ganaax adag

    aad ayaad u maahsantaihiin
    maanta waxaan jooga heer aan dhaho alla haduu sidaa u samayn lahaa amaa kaas halkaa gayn lahaa
    alxamdulilah
    maahsanidiin

  17. Sharxaada casharka

    5

    Waxaan aad ugu Riyaaqay hab sharxaada casharada oo idin.
    Masha Allah waxaad noqotay baraha oo kaliya aan ka Fahmay labada program iyadow waqti badan iga qasaarin.
    Mahadsanid ustaad.

  18. Heer Sare

    5

    Waaa heeer sare gudbintaada Ustaad lkn Jaanis ayaan u waayey oo aniga oo aan ka faaideysan ayaa waqtigii iga dhacay❗️🙆‍♂️

[login_fail_messaging]

Soo Dhawow

Fadlan haddii aadan horey isu diiwaangelin, daawo muuqaalka hoose si aad isku diiwaangeliso.

Gal Cinwaankaaga