Maxaad ku baran doontaa koorsadan?

Koorsadan waxa aad ku baran doontaa farsamooyinka iyo adeegsiga Photoshop-ka, sida qurxinta sawirada, sameynta brochure design iyo graphic design, sidoo kale waxa aad ku baran doontaa naqshadeynta iyo sameynta astaamaha goobaha ganacsiga (Logo) iyo kaararka ganacsiga (Business Cards), waxa aad sidoo kale ku baran doontaa sameynta sawirrada xayeysiinnada ganacsiga ee loo adeegsado baraha bulshada.

Maxaa lagaaga baahanyahay?

Si aad u barato Casharradan, waxaad keliya u baahantahay :

  1.  Computer ama Laptop.
  2. Internet xawaarihiisu dhexaad yahay
  3. Barnaamijka Adobe Photoshop 2020, 2019 ama 2017
  4. Hammi sare oo aad ka leedahay koorsadan

 

Yaa loogu talogalay koorsadan?

Koorsadan waxa ay ku habboontahay qof kasta oo jecel in uu qurxiyo, habeeyo, sameeyo naqshado qurux badan oo loo adeegsan karo meel kasta sida Waxbarashada, xayeysiinnada ganacsiga iwm. Koorsadan waxaa baran kara qof aan horey u adeegsan Photoshop, iyo qof ay wax uga bilaabanyihiin oo wax un ka yaqaana.

Waqti intee la eg ayey kaaga baahantahay?

Koorsadan waxa aad ku baran kartaa muddo 10 maalmood ah. Kuma qasbanid in ay maalmaha isku xigaan, oo waxa aad ku baran kartaa 10 maalmood oo aan isku xigin. Haddiise aad daneyneyso in aad horumar wanaagsan ka sameyso koorsadan, waxaa habboon in aad geliso waqtiga ugu badan ee aad u heli karto.

Ogow, waxa ay koorsadan kuu furnaanaysaa illaa 4 bilood oo aad ku ceshan kartaa casharrada koorsadan haddii aad dhameyso iyo haddii aadan dhameynba.

Sideen ugu guuleysan karaa koorsadan?

In aad ku guuleysato koorsadan waa ay fududahay, si aad ugu guuleysato koorsadan:

Qaado oo daawo casharrada koorsadan.

Gal tijaabooyinka iyo imtixaannada koorsadan.

Waxaad heleysaa shahaaddada koorsadan haddii aad keento 65% ama ka badan.

Ku celceli casharrada oo samee tijaabooyin ka badan kuwa uu macalinku ku baray.

 

Sidee baan isaga diiwaangeliyaa koorsadan?

Way fududahay, Taabo Batanka ay ku qorontahay XULO KOORSADAN si aad isaga diwaangeliso Koorsadan, ugana faa’ideysato casharrada Adobe Photoshop. Kadibna raac tilmaamaha,

Hoos ka aqri waxyaabaha aad ku baran doonto koorsadan oo faahfaahsan.

 

Course Curriculum

Hordhaca Koorsada
Maalinta 1aad Sidee loola so dagaa adobe photoshop
PS1.1 Side loola so daga Adobe Photoshop 00:04:00
Maalinta 2aad Side lo Furaa loona Save gareyaa adobe photoshop
PS2.1 Open & Save 00:18:00
PS2.2 Png vs Jpg 00:04:00
Maalinta 3aad Sidee loo isticmlaa Photoshop Tools
PS3.1 Tools 00:12:00
Maalinta 4aad Sida loo isticmaalo Selection Tool Iyo Layer Mask
PS4.1 Selection Tool 00:11:00
PS4.2 Selection Practice 00:05:00
PS4.3 Layer Mask 00:08:00
Maalinta 5aad Sidee Text Logu adegsada Photoshop
PS5.1 Text 00:10:00
PS5.2 Text With Design 00:08:00
PS5.3 Paragraphs 00:09:00
Imtixaanka 1aad – Baro Adobe photoshop 00:15:00
Maalinta 6aad Sida loo sameeyo Brochure Design
PS6.1 Brochure Design 1 00:11:00
PS6.2 Brochure Design 2 00:04:00
Maalin 7aad side hospital design logu sameyaa iyo side shape lo sameyaa
PS7.1 Hospital Design 1 00:12:00
PS7.2 Hospital Design 2 00:09:00
PS7.3 Shape Intro 00:00:00
Maalinta 8aad Side sawiro loogu qurxiyaa Photoshop
PS8.1 Spot Healing 00:05:00
PS8.3 Hair 00:07:00
PS8.3 Hair 00:07:00
PS8.4 Remove Object 00:04:00
Maalinta 9aad Sidee logo iyo Business Card loo sameyaa
PS9.1 Logo 00:09:00
PS9.2 Business Card 00:09:00
Maalinta 10aad Sidee sawiro Kala duwan la iskugu kena Photoshop
PS10.1 Photo Manipulation 1 00:13:00
PS10.2 Photo Manipulation 00:12:00
Imtixaanka 2aad – Baro Adobe photoshop 00:15:00

Course Reviews

4.7

4.7
3 ratings
  • 5 stars2
  • 4 stars1
  • 3 stars0
  • 2 stars0
  • 1 stars0
  1. alinorhssanmohamud@gmail.com

    5

    koorsadaan waa koorso aad u wanaagsan wxaana ka faa-iidey waxyaaba badan, sida inaan logo iyo xayiisiis u sameystay ganacsigeyga

  2. Mahacelin&Guugaabin

    4

    Marka hore mahadi oo dhan waxey u sugnaatay Allah(SWT) marka xigta Waxaa rabaan inaan umahceliyo bahda IM252 gar ahaan ustad Eng.Zakariye oo korsadaan si wacan usoo diyaariyey oo ah mid uu qof waliba ey Ka go’antahay barashadeda uu fahmi Karo.
    Ardayda kale ee daneeneysa
    course-dan waxaan Ku guubaabinayaa in ay iska diiwan galiyan.

    Mhsndin.

[login_fail_messaging]

Soo Dhawow

Fadlan haddii aadan horey isu diiwaangelin, daawo muuqaalka hoose si aad isku diiwaangeliso.

Gal Cinwaankaaga