• No products in the cart.

4.7

25

ratings 

Haddii aad tahay qof uu ku cusubyahay ama wax uga bilaabanyihiin adeegsiga Computer-ka, waxa ay koorsadan kaa caawineysaa in aad si degdeg ah oo fudud u barato adeegsiga Computer-ka.

Original price was: $15.Current price is: $12. per 6 months
Course Access

2 weeks, 1 day

Last Updated

August 8, 2025

Students Enrolled

1046

Total Video Time

27 years, 9 months

Posted by
Certification

Maxaad ku baran doontaa koorsadan?

  • Qeybaha ugu muhiimsan ee uu ka koobanyahay Desktop-ka computerkaaga iyo magacyadooda.
  • Qeybaha ugu muhiimsan oo aad mid mid u baran doonto sida Start menu, Programs, Taskbar, Notification bar, iwm.
  • Sida loo maamulo barnaamijyada computerka, loo furo, loo xiro, hoos loo dhigo ama laga saaro gebi ahaan computerka.
  • Sida loo maamusho xogta computerka, loo nidaamiyo, loo sameeyo galal kala duwan iyo farsamooyin ku qarsoon.
  • Sida loo tiro xogta aadan u baahneyn, loona soo celiyo.
  • Sida wax looga badalo xog kasta oo computerkaaga ku jirta.
  • Sida loo qurxiyo shaashadaha computerkaaga, looga badalo midabka, sawirka, loona bedelo waqtiga, taariikhda iyo luqadaha.
  • Sida loo badalo fure-sireedka computerka, loona maamulo users-ka.
  • Sida loogu xiro computer-ka internet ha ahaado mid ku yimid xarig-la'aan ama xarig.
  • Sida wax looga badalo guud ahaan computerkaaga, sida magaca, iwm.
  • Sida aad computerkaaga uga xiriirsan karto internetka, una heli karto fure-sireedyada Wifi-ga ee computer-kaaga ku keydsan.
  • Xog wanaagsan ka hel update-kii ugu dambeeyey ee Windows 11, baro 10 qeybood muhiim ah oo lagu soo kordhiyey.

Maxaad u baahantahay si aad u barato koorsadan?

Si aad uga guul-gaarto koorsadan, waxaad u baahantahay waxyaabaha soo socda:

  1. In aad heysato computer aad ku baraatikeyso.
  2. In aad hammi buuxa u heyso barashada computer-ka.
  3. In aad iska diiwaangeliso koorsada.

Wax Ka Ogow Baraha Koorsadan

Baraha koorsadan mudane Maxamed Nuur waxa uu shahaadada 2aad ee jaamacadda (Masters Degree) ka heystaa cilmiga computer-ka, waxa uu muddo 10 sano ka badan ku howlanaa barashada iyo baridda aqoonta bilowga, dhexaadka iyo midka sare ee computerka.

Waxa uu aad u jecelyahay raadinta xogaha iyo farsamooyinka qarsoon ee computer-ka iyo gudbinta aqoontaas si ay u bartaan dhalinta maanta ee aan marna ka maarmin aqoontaas.

Waxa uu aad u xiiseeyaa la socoshada isbedbeddelka aqoonta computer-ka, telefanada, gawaarida casriga ah iyo waxkasta oo teknooliyadda ku saabsan.


Sida aad ku bilaabi karto koorsadan:

  • Taabo batanka Take This Course
  • Xulo Checkout
  • Buuxi foomka fudud, isna diiwaangeli
  • Khidmad-bixinta kadib way kuu furmeysaa koorsada, haddii aad la kulanto caqabad, fadlan nagala soo xidhiidh Whatsapp: +252 617 99 33 44
  • Waxaa lagugu dari doonaa WhatsApp group aad ka sii faa'ideysan doonto ardeyda ku jirta iyo aqoontooda.

Ma ogtahay in qofna uu ka maarmin barashada computer-ka, laga soo bilaabo ardeyga dhigta dugsiga dhexe illaa aqoonyahanka heysta PhD, waxa ay ka simanyihiin baahida aqoonta Computer-ka, waxaa sidoo kale xaqiiq ah in ay maalin kasta kordheyso baahida loo qabo barashada xirfadaha kala duwan ee computer-ka, sidaa darteed, haddii aad tahay bilow ama meel dhexe aad ka mareyso barashada computer-ka Iska diiwaangeli maanta oo ku biir kumannaan ka aflaxday, kana guul-gaartay koorsadan.

Profile Photo
Mohamed Nur
4.76 4.757142857142857
2297

Studens

About Instructor

More Courses by Insturctor

Course Currilcum

    • M2.1- Qeybaha (Start Menu) iyo waxa ay yihiin (Pinned Apps) 00:00:00
    • M2.2- Si fudud u fur barnaamij kasta oo ku jira Computer-kaaga 00:00:00
    • M2.3- Kala ogow barnaamijyada furan iyo kuwa aan furneyn 00:00:00
    • M3.2- Sida loo xiro barnaamijka kuu furan…. 00:00:00
    • M3.3- Sida aad uga kala gudbi lahayd barnaamijyada kuu furan 00:00:00
    • Imtixaanka 1aad – Barashada Computerka 00:12:00
    • M4.1- Sida loo nidaamiyo waxyaabaha kuu saaran Desktop-ka 00:00:00
    • M4.2- Kala baro waxa ay kala yihiin xog (File) iyo Gal (Folder) 00:00:00
    • M4.3- Sida loo sameeyo galal (Folders) isku dhex jira oo badan 00:00:00
    • M4.4- Sida la isaga kala gudbo galalka (Folders) horey iyo gadaalba 00:00:00
    • M5.1- Wax kasta oo ku saabsan File Explorer (Meesha laga galo Folders-ka ama galalka) 00:00:00
    • M5.2- Sida loo habeeyo xogta (Sida sawiradaada) & sida loo kooxkooxeeyo. 00:00:00
    • M5.3- Qaababka kala duwan ee wax loo tiro & sida loo soo ceshado xogta aad tirtay 00:00:00
    • M6.1- Magac ka badal xogtaada (Sida sawiradaada) iyo galalkaaga (Folders) 00:00:00
    • M6.2- Koobiyee ama meel kale u qaad xogtaada si fudud (Wadooyin kala duwan) 00:00:00
    • M6.3- Ka laabo hadii aad si qaldan wax u sameysay ama u laabo hadii ay sax kuu ahayd. 00:00:00
    • M7.1- Qaababka kala duwan ee xogta loo xusho ama loo doorto (Wadooyin fudud) 00:00:00
    • M7.2- Ku adeegso halkaaga shaashad barnaamijyo badan oo isku dhinac furo. 00:00:00
    • M7.3- Sida ugu dhaqsiyaha badan ee aad u tagi karto Desktop-kaaga (Qaabab kala duwan) 00:00:00
    • M7.4- Si fudud u qarso xogtaada muhiimka kuu ah ee aadan jecleyn in la arko 00:00:00
    • M8.1- Si fudud u ogow astaamaha xog kasta (Sida cabirka xogta, xilliga la sameeyey iwm) 00:00:00
    • M8.2- Baro noocyada ka duwan ee xogta (Sida, sawir, muuqaal, cod, iwm) iyo sida loo kala garto. 00:00:00
    • M8.3- Ka raadi Computer-kaaga xogta aad uga baahantahay xilliga aad u baahantahay (Waddooyin fudud) 00:00:00
    • M9.1- Baro wax ay kala yihiin (Navigation pane, preview pane & details pane) 00:00:00
    • M9.2- Si aadan isugu qaldin galalkaaga (Folders) kala badal Icons-kooda ama sawiradooda. 00:00:00
    • M9.3- Si fudud u badal qaabka ay xogtaada u muuqato (Qaab weyn, qaab taxan, iwm) 00:00:00
    • M9.4- Baro sida loo helo cinwaanka xog kasta oo Computer-kaaga ku jirta 00:00:00
    • M9.5- Qurxi shaashadda Computer-kaaga adigoo badalaaya midabada iyo sawirada shaashadda. 00:00:00
    • M9.6- Bedel taariikhda iyo saacadda Computer-kaaga ama la soco waqtiga waddamo kale. 00:00:00
    • M10.1- Meesha laga saxo Computer-kaaga (Sida aad moobaaylka uga saxdo Settings) 00:00:00
    • M10.2- Sida aad xogtaada ugu qaadan lahayd falaash, memori kaar iwm (ama aad uga shuban lahaydba) 00:00:00
    • M10.3- Sida magaca looga badalo falaashka, memori kaarka, iwm (ama loo Format-gareeyo) 00:00:00
    • M11.1- Ku adeegso Computer-kaaga in ka badan 1 luqad (Iskuna badalo marba midka aad doonto) 00:00:00
    • M11.3- Ka saar Computer-kaaga barnaamij kasta oo aadan rabin (Waddooyin kala duwan) 00:00:00
    • Imtixaanka 2aad – Barashada Computerka 00:08:00
    • Imtixaanka 2aad – Barashada Computerka 00:08:00
    • M12.2- Ku xiro Computer-kaaga fure-sireed (ama ka badal hadii aad doonto – si fudud) 00:00:00
    • M12.3- Ka hortag in Computer-kaaga ku dhaco Fayras (Si fudud u baar hadii Computer-kaagu ku jiro Virus) 00:00:00
    • M13.1- Baro waxa la yiraahdo (Action Center) meesha aad ka dooran karto waxyaabo muhiim ah sida Wireless-ka. 00:00:00
    • M13.2- Qurxi (Taskbar-kaaga) ama u wareeji dhanka aad jeceshahay – Geesaha ama kor. 00:00:00
    • M13.3- Baro barnaamijyada ku imaada Computer-kaaga ee ay tahay in aad adeegsato. 00:00:00
    • M14.1- Adeegso internet adigoo ku xiranaaya shabakadaha aaggaaga (Wireless-ka aad doonto) 00:00:00
    • M14.2- Baro sida loo kala ilaaliyo xog isku midka ah ee magacyadooduna isku mid yihiin. 00:00:00
    • M14.3- Baro sida loo adeegsado (Task Manager) ama loo xiro barnaamijka diida in uu xirmo 00:00:00
    • M15.1- Baro sida Computer-ka loo adeegsado adigoo keliya isticmaalaya Keyboard-ka (Qalabka wax lagu qoro) 00:00:00
    • M15.2- Wax ka ogow qalabyada Computer-kaaga iyo awoodda ay leeyihiin iyo cabiradooda (Sida maskaxda) 00:00:00
    • M15.3- Magaca ka badal Computer-kaaga si fudud 00:00:00
    • Imtixaanka 3aad-Barashada Computerka 00:10:00
    • 01 – Startup Apps 00:06:00
    • 02 – Snap layout 00:08:00
    • 03 – Notifications 00:09:00
    • 04 – Multiple desktops 00:06:00
    • 05 – Get back your WIFI password 00:04:00
    • 06 – Windows shake 00:06:00
    • 07 – Move start button to left 00:05:00
    • 08 – Clipboard history 00:07:00
    • 09 – Dark Mode 00:04:00
    • 10 – Hotspot 00:05:00
    • Hambalyo, waad dhameysay koorsada computer-ka. Marna ha joojin barashada. 00:00:34
    • PP Test 3 Unlimited

Course Reviews

4.7

4.7
25 ratings
  • 5 stars23
  • 4 stars1
  • 3 stars0
  • 2 stars2
  • 1 stars0
  1. Koorsadaani waa Koorso wax badan iga caawisay
    5

    Ajar iyo xasanaad eebe ha kaasiiyo ustaad

  2. desktop and file
    4

    waa ku qiimeeyay in course aad u muhiim iay thy

  3. MAHASANID IM252
    5

    koorsadan aad baan uga fAAIDAY RUN AHAANTII MAHADSANID MACALIM MOHA

  4. Computerka iyo muhiimadiisa
    5

    Computerka waa waxa kaliya ee qof walba oo nool looga baahan yahay inuu barto qofki aaanan aqoonin waa qof jaahil eh waadna ku mahadsanatahay saaad nooga caawisay

  5. Aad u wanaagsan
    5

    Mansha alh jasaakalah ustaad waan ka faaiday Course kan

Waan jecelnahay waxbarashada © iM252 Academy.