8
ratingsÂ
Koorsadan, waxa aad ku baraneysaa in aad si degdega wax ugu qorto Keyboard-ka computerkaaga.
Hadii aad koorsadan dhameyso, waxa aad awood u yeelan doontaa (EEBE idankii) in aad wax ku qorato Computer-kaaga adigoo aan fiirin keyboardkaaga ama indhaha isku haaya.
Iska diiwaangeli koorsadan, si fududna ku noqo qof khabiir ku ah qoraalka degdegga ah ee Computerka!
Si aad u barato Koorsadan, waxa aad u baahantahay keliya Computer.
1 week, 3 days
January 6, 2025
367
4 hours, 20 minutes
Maxaad Ku Baran Doontaa Koorsadan?
- Waxtarka iyo faa'idooyinka aad ka heli doonto barashada qoraalka degdegga ah ee computerka.
- Ku shubidda computerka barnaamijka lagu barto qoraalka ee Mavis Beacon noociisa 15aad iyo 20aad, taas oo kaa caawin doonta in midka uu ku shaqeeyo computerkaaga aad ku baran doonto qoraalka.
- Iska diiwaangelinta iyo setup-gareynta barnaamijka Mavis Beacon.
- Sida faraha loo saaro keyboard-ka computerka adigoo aan fiirin keyboardka.
- Tijaabinta ugu horreysa ee barashada qoraalka degdegga ah ee xarfaha ASDF.
- Barashada qoraalka dhammaan xarfaha A illaa Z adigoo fiirinaya oo keliya shaashadda computerka.
- Sida loo ciyaaro games-ka ku jira barnaamijka Mavis ee kaa caawinaya degdeg u qoridda xarfaha.
- Barashada qoraalka nambarada computerka adigoo aan eegin keyboardka.
- Helidda shahaaddada Mavis iyo gelidda imtixaanaadkiisa.
Maxaad u Baahantahay Si Aad u Barato Koorsadan?
Si aad uga guul-gaarto koorsadan, waxaad u baahantahay waxyaabaha soo socda:
- In aad heysato computer aad ku baraatikeyso.
- In aad hammi buuxa u heyso barashada qoraalka degdegga ah.
- In aad iska diiwaangeliso koorsada.
Wax Ka Ogow Baraha Koorsadan
Baraha koorsadan mudane Maxamed Nuur waxa uu shahaadada 2aad ee jaamacadda (Masters Degree) ka heystaa cilmiga computer-ka, waxa uu muddo 10 sano ka badan ku howlanaa barashada iyo baridda aqoonta bilowga, dhexaadka iyo midka sare ee computerka.
Waxa uu aad u jecelyahay raadinta xogaha iyo farsamooyinka qarsoon ee computer-ka iyo gudbinta aqoontaas si ay u bartaan dhalinta maanta ee aan marna ka maarmin aqoontaas.
Waxa uu aad u xiiseeyaa la socoshada isbedbeddelka aqoonta computer-ka, telefanada, gawaarida casriga ah iyo waxkasta oo teknooliyadda ku saabsan.
Bal qiimee adigoo ay ku horyaallaan shaqooyin badan, isla markaana ku daahaya ama mid mid u eegaya xarfaha iyo nambarada Keyboardka Computer-ka, waxaa dabcan kugu caajisaya dadka aad u shaqeyneyso ama naftaadaba, ogow in markasta ay dadka jecelyihiin xirfadyahan degdeg wax ugu qori kara computerka, shirkadaha dunida iyo kuwa dalkana waa ay doorbidaan qofka yaqaana qoraalka degdegga ah, Iska diiwaangeli maanta oo ku biir kumannaan ku guuleysatay in ay wax qoraan iyaga oo aan eegin keyboardka. |
Sida Aad Ku Bilaabi Karto Koorsadan:
- Taabo batanka Take This Course
- Xulo Checkout
- Buuxi foomka fudud, isna diiwaangeli
- Khidmad-bixinta kadib way kuu furmeysaa koorsada, haddii aad la kulanto caqabad, fadlan nagala soo xidhiidh Whatsapp: +252 617 99 33 44

Studens
About Instructor
More Courses by Insturctor
Course Currilcum
-
- T1.1- Ku soo dhawow koorsada qoridda degdegga ah (Typing) FREE 00:01:00
- T1.2- Soo dagso kuna shub Computerkaaga Mavis Beacon 20 00:05:00
- T1.3- Iska diiwaangeli barnaamijka Mavis Beacon 20 00:06:00
- T1.4- Sida loo xiro dibna loo soo galo barnaamijka Mavis 20 00:03:00
-
- T2.1- Ku shub Computer-kaaga Mavis Beacon 15 00:06:00
- T2.2- Iska diiwaangeli barnaamijka Mavis 15 00:06:00
- T2.3- Xeridda iyo dib u soo gelidda Mavis Beacon 15 00:04:00
- T3.1- Farahaaga si sax ah u saar keyboard-ka adigoo aan fiirin 00:04:00
- T3.2- Barashada Xarfaha ugu horreeya (A S D F) 00:07:00
- T3.3- Hambalyo, bilow fiican ayaad sameysay, ha caajisin! 00:01:00
- T3.4- Barashada xarfaha JKL; iyo ASDF oo isla socda 00:07:00
- T5.1- Barashada qeybta 2aad ee T iyo Y 00:04:00
- T5.2- Barashada Xarfaha QW iyo OP 00:05:00
- T5.3- Barashada Xarfaha ZXCV 00:03:00
- T7.1- Barashada Hakadka iyo Joogsiga + Shahaadada 1aad 00:07:00
- T7.2- Dib u hel shahaadadaada Typing-ka. 00:02:00
- T9.1- Baro nambarada 1,2,3 00:03:00
- T9.2- Baro nambarada 4,5,6 00:11:00
- T9.3- Baro nambarada 7 iyo 8 00:02:00
- T9.4- Baro nambarada 9 iyo 0 00:07:00
- T- Qeybta 10-ka nambar (10 key) 00:24:00
Course Reviews
5
- 5 stars9
- 4 stars0
- 3 stars0
- 2 stars0
- 1 stars0
Waa heer sare. 10/11.
waxaan ku qiimeeyey 100% koorsadan waan muhiim
run wax badan aa iska key badalay dhanka typing ka oo dhibaato fara badan anku qabay
Alx ugu horayn allah baa mahad leh ii suuro galiyay inaan dhameeyo course ka typing ka.
Mar labaad waxan doonayaa inaan u mahad celiyo macalin mahamed oo si wanaagsan iigu dhigay course ka typing ka mclin kun iyo kow jeer ba waad mahdsan tahay.
Mclin waxan kaa codsan lahaa hadii aad codsigaygan aad aragto inaad course ka barashada (computer ka) inaad free iiga dhigto waxan rajaynayaa inaad codsigaa ii tix galin doonto insha allah
Asc wr wb. Saalan kadib waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa (baro252 akadami)
Aad bay iiraali galinsaaa in aan kusoobiiro oo aan aqoon kakororsada anoo waliba jooga gobol ka gof